Dowladda Koonfur Afrika oo ka fal-celisay digniinta Argagixisnimo ee Mareykanka

Africa News

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Dowladda Koonfur Afrika, ay muuqato inay hoos u dhigtay digniinta safaaradda Maraykanka, ee ku aaddan suurtagalnimada weerar argagixiso oo dhammaadka toddobaadka ka dhici doona xarunta ganacsiga ee magaalada Johannesburg…

Iyadoo ka jawaabaysa, digniinta amaan Madaxtooyada Koonfur Afrika, ayaa waxay xustay “digniinta argagixisanimo” ee Mareykanka inay qayb ka tahay “isgaarsiinta caadiga ah ee dawladda Maraykanku ay la leedahay muwaadiniinteeda”, waxay xustay inay mas’uuliyad ka saaran tahay adkeynta amaanka Ciidamada Boliiska iyo kuwa Sirdoonka.

Waxay xustay Madaxtooyada in Hay’adaha sharciga ay la socdaan wax kasta oo khatar ku ah muwaadiniinta iyo qaranka, “Haddii ay baahidu timaado, dowladda Koonfur Afrika, ayaa noqon doonta tan ugu horreysa ee shacabka ku wargelisa khatar kasta oo soo fool leh,” ayaa lagu yiri hadalka ay soo saartay Madaxtooyada.

221380cookie-checkDowladda Koonfur Afrika oo ka fal-celisay digniinta Argagixisnimo ee Mareykanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com