Caro Xoogan Oo Loo Qaaday Koox Galmudug Ka soo jeeda Oo Fahad B/weyne u Raacay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa koox ka soo jeeda degaanada Galmudug oo shalay ka mid noqday xubnihii Eedeysane Fahad Yasin u raacay magaalada Beledweyne, kuwaasoo isugu jira Senataro, Xildhibaano hore iyo tiro Saraakiil Ciidamo ah…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Senator Saciid Siyaad Shirwac oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ee sanadkaan ka soo baxay Maamulka Galmudug, kana soo jeeda magaalada Cadaado, iyo Cabdikariim Khaliif Cabdi Dhalac, oo ka mid ah Musharixiinta HOP095, kana yimaada Koofurta Gaalkacyo, ayaa ka soo muuqday sawirrada kooxda Eedeysane Fahad Yaasiin ee shalay u galbiyay Baladweyne.

Talaabadaan oo hadal heyn xooggan dhaliyay, ayay layaab iyo wax laga xumaado ku tlmaameen dadka reer Galmudug, halka ay Madaxweynaha Maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye, [Qoorqoor] ku eedeeyeen inuu dhaawac xooggan u geystay matalaadda Aqalka Sare ee Cadaado, maadaama uu Saciid Siyaad Shirwac, durba caddeeyay inuu ku jiro safka Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Cabdikariim Khaliif Cabdi Dhalac, dhankiisa, wuxuu baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay HOP#095, wuxuuna muddo dheer ku xirnaa Eedeysane Fahad Yaasiin, waxaa lagu xasuustaa taageeradii uu Farmaajo la garab istaagay bishii April, gaar ahaan habeenkii Gorgor iyo Haramcad duullaanka ku qaadeen xaafadda Shiirkole.

170330cookie-checkCaro Xoogan Oo Loo Qaaday Koox Galmudug Ka soo jeeda Oo Fahad B/weyne u Raacay