Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ka diyaarisay Colaada Magaalada Laas caanood

Somalia news

Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Dirirta ka socota Magaalada Laas caanood ay ka qaxeen 185-kun oo Rayid ah kuwaasoo qaarkood u talaabay Dalalka Deriska ah halka kuwo kale la sheegay iney gaareen Caasimada iyo Gobolada ku dhow Gobolka Sool…

Warbixinta ayewy ku sheegeen Hey’adda UNHCR in 60-kun oo ka mid ah Qaxootigaaai ay gaareen degaanka Bookh ee Gobolka Doollo ee Ethiopia, iyagoo dul degay Dadka degaanka oo markii horeba la ticaayay Abaaraha iyo Biyo La’aan, Saraakisha Hey’adda ayaa ka deyrisay Xaalada Dadka ka barakacay Dagaalka oo daafaha magaalada cooshado ka dhistay kuwaasoo 66 goobood lagu sheegay.

Hey’adda ayaa qeylo dhaan u diray Dalalka deeqaha bixiya, iyagoo sheegay in Barakacayaashani ay u baahan yihiin gargaar dhinac kasta ah, waxeyn dalbadeen in gargaar deg deg ah la soo gaarsiiyo, iyadoo Madaxda Dowladda Federaalka ay dhowr jeer soo saareen baaqyo lagu joojinaayo Dagaalka balse dhinaca Muuse Biixi waa diideen iney joohiyaan dagaalka

242710cookie-checkQaramada Midoobay ayaa Warbixin ka diyaarisay Colaada Magaalada Laas caanood