Warar hordhac sh oo laga Helay 2-Qarax oo Ka Dhacey Duleedka Mogadishu

Somalia news

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ahaa miino dhulka lagu aasay kuwaas oo ka kala dhacay deegaanka KM13 iyo xerada Xerada Badbaado, waxaana qaraxa KM13 lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Qaraxa ka dhacay Badbaado ayaa isna ahaa miino la geliyay maqaaxi laga cabo shaaha, Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxyadaas.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliaydda qaraxayadan, hasse yeeshee qaraxyada noocan ah ee lala eegto ciidamada dowladda waxaa fuliya ururka al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Dowlada.

194090cookie-checkWarar hordhac sh oo laga Helay 2-Qarax oo Ka Dhacey Duleedka Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com