Ma Dhabaa in Somaliland iyo Maraykanka ay isku afgarteen Heshiis Iskaashi Difaac

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Maamulka Hargeysa ayeey ku xuseen iney soo dhaweynayaa xeerka difaaca qaranka Maraykanka, oo Golaha Wakiilada Maraykanku wax ka badal ku sameeyeen si loo waafajiyo xiriira wax wada qabsi oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka…

Warsaxaafadeed kasoo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maamulka, ayaa lagu sheegay in ay Somaliland u soo dhoweyneyso wax ka badalka xeerkan oo goluhu ansixiyeen Khamiistii shalay.

“Jamhuuriyada Somaliland waxay u sacabtumaysa meel-marinta Golaha Wakiilada Maraykanka ku sameeyeen xeerka ogolaanaya in wasaarada arrimaha dibaddu ay samayso cilmi-baadhis iyo ka warbixin xidhiidh amaan oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Xeerkan ayaa sahlaya in Maraykanka iyo Somaliland ay ka wada shaqeeyaan in Maraykanka iyo xulufadiisu ay helaan albaab ay ka galaan Geeska Afrika, si looga hortago joogitaanka Iiraan ee gacanka Cadan, saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo hubka, waxaana la horumarin doonaa ganacsiga.

201110cookie-checkMa Dhabaa in Somaliland iyo Maraykanka ay isku afgarteen Heshiis Iskaashi Difaac
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com