Musharaxii 2-aad Ee U Tanaasulay Madaxa Xisbiga Wadajir

Somalia news

Maalmahaan waxaa si xowli ah uga socda magaalada Mogadishu ololaha Doorashada, Iyadoo Beelaha Habar gidir ay ku leeyihiin ilaa 8-Musharax kuwaasoo intooda badan doonaya iney u diiwaan gasho iney Noqdeen Musharixiin Xilka Madaxweynaha Somalia, halka qaarkood la sheegay in Villa Somalia laga maalgeliyay si loo carqaladeeyo kuwa hanka ku jiro…

Wararka ayaa sheegay in Musharraxiinta tanaasulay (Guuleed & Cabdinaasir) oo isku beel kasoo wada jeeda ayaa doonaya inay sannadkan sharaxaan Madaxa Xisbiga Wadajir oo kamid ah siyaasiyiinta u taagaan xilka Sare ee Villa Somalia, iyadoo la isweydiinaayo codadka uu Doorashadaan ka heli karo wareega 1-aad ay gaari karto 40-cod si uu ugu gudbo wareega 2-aad.

Hoggaamiyaha Wadajir oo markii Sadaxaad u taagan doorashada xilka Madaxweynaha ayaa kamid ah Musharixiinta sida weyn u doonaya in meesha laga saaro Mr.Farmaajo oo uu ku yahay mucaaradka ugu weyn, Lama saadaalin karo natiijada uu ka heli karo doorashada, iyadoo ay sharraxan yihiin siyaasiyiin kale oo miisaan iyo sasmeyn ku leh saaxada Siyaasada.

188620cookie-checkMusharaxii 2-aad Ee U Tanaasulay Madaxa Xisbiga Wadajir
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com