Sarkaal ka Tirsanaa Boliiska Puntland oo Xalay Gaargiisa loogu Xiray Qarax Gaalkacyo

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa. Qarax xalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, qaraxaan ayaa lala beegsaday Sarkaal Madax ka ahaa Qeybta Baarista Dembiyada ee CID Puntland…

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa lagu magacaabi jiray Gaandi Boombale, Qaraxa ayaa la sheegay in sarkaalka loogu xiray gaarigiisa waxaana soo soo gaaray dhaawac, sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha Amniga Gobolka, wuxuuna ka dhacay Isgoyska Buulo-dooro, iyadoo 2-Qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay falal amni darro, sida dilal loo geysanayo Dadka haldoorka ah, Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha Amniga qeybta Puntland ee Gobolka Mudug oo ku aadan qaraxaasi ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

249070cookie-checkSarkaal ka Tirsanaa Boliiska Puntland oo Xalay Gaargiisa loogu Xiray Qarax Gaalkacyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com