Maamulka Somaliland Oo lagu Eedeeyay inuu Arday Askareeyay Furumahana Geeyay..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Maamulka Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa lagu eedeeyay in tan iyo Markii lagu jebiyay Dagaalkii degaanka Goojacadde ee 25-kii Agoosto ee Sanadkaan uu ku howlan yahay ururinta Maleeshiyo beeleed u badan Caruur si uu u huriyo Colaad Beeleed.

Warbixinta ayaa daaha ka rogeysa in Kulamo qarsoodi ah uu la yeeshay Mr.Muuse Biixi Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ayuu kaga codsaday iney u soo uruuriyaan Dhalinyarada dhigta Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha kuwaasoo qaab laab la kac ah loogu geeyay Degaanka Oog oo lagu uruuriyay waxeyna diyaar u yihiin iney ka qeyb qaataan Colaad beeleedyo aan la mahdin.

Maamulka Hargeysa ayaa qorsheeyay iney Dagaal beeleedyo laga bilaabo Degaanada Oog, Qorilugud iyo Degmada Ceyrigaabo, iyadoo wararka ay xusayaan in muuqaalo la qaaday ay muujinayaan in Caruur aan qaan gaarin si qasab ah looga soo qaaday Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco kuwaasoo aan qabin tababar Ciidan.

283210cookie-checkMaamulka Somaliland Oo lagu Eedeeyay inuu Arday Askareeyay Furumahana Geeyay..