Baarlamaanka 11-aad & Dembilayaasha Xasaanad Doonka ah

Somalia news

Waxaa marqaati ma doonta ah in Mashruuc boob oo soo bilaawday 2017-kii, kaasoo ujeedadiisa aheyd Dowlada Federaalka & kuwa Gobolada lagu saleeyo Dikteytarnimo loona dhiso Ciidamo gaar ah oo magacyo loo baxsaday waxna u caburya Shacbiga loogu cabsi geliyo…

Nidaamkaan ayaa lagu bedelay kii lagu heshiiyay ee Federaalka, waxaana la dhalan rogay Gorsoorkii & Xafiisyadii Amniga iyo kuwii kale ee Dowlada, iyadoo Baarlamaanka 10-aad ee Dalka laga dhigay Howlgab, halka ifafaalaha muuqdaa Baarlamaanka 11-aad uu noqon doono mid ay saameyn ku yeeshaan Tiro badan oo Saraakiil Sirdoon kuwa Boliiska, Mileteriga & Kooxaha Argagixisada, kuwaasoo lagu abaal mariyo Xasaanad dembiyadii ay Dalka & Dadka ka galeen.

Kooxaha Mucaaradka & Indheer-garadka Soomaaliyeed ayaa muddo 3-sano ah ka digaayay Qorshayaasha quracan ee lagu diyaariyay Villa Somalia oo ay kula shirkoobayaan Kuraasta Baarlamaanka Kooxaha argagixisada, Xulashadaan ayaa tilmaam khatar ah oo muujineysa sida ay Somalia u sii ahaan karta Dowlad, iyadoo Baarlamaanka 11-aad uu gacanta u galay Koox danley ah oo dembilayaal ah oo dano gaar ah fuliya.

Ilo wareedyo Sirdoon ayaa ku eedeeyay Hogaamada Ciidamada Biliiska, Xoogga Dalka, Asluubta iyo NISA Talisyadaan ka dhigeen goobo sumeysan (Toxic wordplace) Xarumo lagu caburiyo Shaqaalaha (Ciidamada) ka howlgala, markii ay isku dayaan iney Cadaalad raadsanadaan logu hanjabo dil halka tiro badan la khaarijiyay, Saraakiishaan ayaa hadda qaarkood Xildhibaano loo xushay si ay xasaanad u helaan.

Insha alaah Qeybaha Dowlad & Nidaam wanaaga jecel ayeey guusha ku dambeyn doontaa, Shacbiga waa ka daalay dhibkii, caburintii & baneysiga Dhiigooda, waxeyna u ooman yihiin Nidaam Dowladeed Cadaalad ku dhisan oo hormariya Adeegyada Caafimaad, isu fura Wadooyin la xiray, Garsoor looga maarmo kan kooxda Argagixisada & Baarlamaan ka tayo wanaagsan wixii soo maray.

170460cookie-checkBaarlamaanka 11-aad & Dembilayaasha Xasaanad Doonka ah