Sugnaanta Dembiyada Faraha ee loo Adeegsado Caddeymaha oo Shaki la Geliyay

U.S. World

100-kii sano ee la soo dhaafay Boliiska Aduunka waxey baaristooda sal uga dhigaayeen sugnaanta Dembiyada Faraha ee loo adeegsado Caddeymaha, waxaana xiligaan baaris iyo daba gal la sameeyay ay muujinayaan in Nidaamka Cilmi baariseed Faraha loo adeegsado in lagu helo Qof inuu Dembi geystay iyo in Dadka lagu kala saaro aysan Caddeyn noqon karin..

Barnaamijka Frontline oo wareysi la yeelatay Saynisyahanno iyo Khubaro ku xeel dheer dhanka Baarista Faraha, Sheybarayaal iyo Baarayaal Boliis ayaa isku raacay iney hubanti la’aan gashay sugnaanta Cilmiga Faraha oo markii hore Garsoorka Maxkamadaha u aqoonsan jireen in 100% in lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxaa tuhun la geliyay Shahaadooyinka lagu qaato takhasuska Dembiyada Faraha, kuwaasoo si fudud lagu heli karo isla markaasna uu Qofka heysta Maxkamad marqaati ka furi karo, si xukun loogu rido Eedeysane lagu tuhmaayo inuu dembi galay, Hey’adaha bixita Shahaadooyinkasn ayaa diiday iney fasiraad ka bixiyaan, talabadaani ayaasii xoojineysa shuruudaha uu Ururadaan ku shaqeeyaan.

Khubarada iyo Saynisyahanada ayaa isku raacsan in Caddeynta kaliyah ee aqoonta ku fadhida ay tahay tan dhexaanka (DNA) Hide-sidaha, intaasi wixii ka soo hara waxey yihiin Farsamooyin waayo-aragnimo oo la dhaxlay mararka qaarkoodna la khaldami karo, iyadoo Hey’adda FBI Mareykanka ay ku khasabtay iney bedesho erey-bixintii ay u adeegsan jirtay Caddeymaha Raadka Faraha iyo lugaha, iyagoo meesha ka saaray in 100% ay farahu yihiin kuwa qofka dembiga loo heysto.

218260cookie-checkSugnaanta Dembiyada Faraha ee loo Adeegsado Caddeymaha oo Shaki la Geliyay