Shaxda 16-Kursi Ee Lagu Dooranaayo Ceel Waaq & Sida Loo Kala Leeyahay

Somalia news

Laga soo bilaabo sanadkii 2020-kii ayaa soo bilaawday kulamadii iyo Heshiiskii September khilaafka ragaadiyay Xulashada dadban, iyadoo muranka xuduntiisu uu ahaa 16-kursi ee loo asteeyay magaalada Garbahaarey haddana loo warejiyay Degmada Ceel waaq…

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu caqabad ku noqday qabashada Xulashada kuraastaasi, wuxuuna degaanaasi isugu geeyay Xoogag hubeysan oo isaga daacad u ah kuwaasoo hor istaagay iney Degaanka gaaraan Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo xil saaray.

Dadka intooda badan waxey u heystaan in 16-kursi ay wada leeyihiin Beesha Marexaan, laakin xaqiiqdo waxey tahay iney Beeshu ku leedahay 10-Kursi halka 6-da soo hartay ay ay iska leeyihiin Beelaha Digil/Mirile, Garre & Dir, hoose ka fiiri shaxda:-

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Farmaajo & Kulane-jiis ay wadaan abaabul maleeshiyo si ay u carqaladeeyaan Xulashada Eegada iyo Xubnaha Xildhibaanada oo lagu wado in lagu qabto magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

182780cookie-checkShaxda 16-Kursi Ee Lagu Dooranaayo Ceel Waaq & Sida Loo Kala Leeyahay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com