Farmaajo Oo laga Dalbaday inuu ka Warbixiyo Tacadiyadii Maamulkiisu uu geystay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulankii shalay dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mr.Xasan Sheekh iyo Mr.Farmaajo, kulankaan ayaa diirada lagu saaray Qodobo ay ka mid yihiin soo wareejiyo documintiyada la xiriira Dhalinyaradii loo qaaday tababarka dalka Eritrea iyo kuwo kale…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo diiradda lagu saaray qodobo xasaasi oo ay ka mid yihiin Dembiyadii dalka ka dhacay iyo qaabka loola xisaabtami karo dadka ku eedeysan intii uu xukunka joogay Farmaajo iyo Dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea”.

Madaxweynaha xilka ka dagaya Farmaajo iyo Eedeysane Fahad Yaasiin (Milkiilaha Farmaajo), ayaa galay dhowr heshiis oo qarsoodi ah iyaga oo isbahaysi amni lagalay Ethiopia iyo Eritrea oo aysan ka jirin in lagu wargeliyay 2-Aqal ee Baarlamaanka, iyadoo ay ka fhasheen xasalooni la’aan siyaasadeed iyo Dibad baxyo ay Waalidiinta ku dalbanayaan in Caruurtooda si deg deg ah loo soo celiyo Maamulka Farmaajana ka baaqsaday inuu warbixin buuxda ka bixiyo.

190150cookie-checkFarmaajo Oo laga Dalbaday inuu ka Warbixiyo Tacadiyadii Maamulkiisu uu geystay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com