Djibouti Oo Ku Guuleysatay Xubinimada Golaha Amaanka Ee AU-da

Africa News

Waxaa shalay lagu qabtay Magaalada Addis abeba doorashada xubinimada Golaha Amaanka iyo Nabada ee AU-da, iyadoo ay ku tartamaayeen Dalalka Djibouti & Somalia, waxaana ku guuleystay Djibouti markii 2-aad..

Djibouti ayaa hanatay 19-cod halka Somalia ay heshay 13-cod, iyadoo Dowladda Ethiopia ay u codeysay Djibouti, doorashadaan ayaa u saamixi doonta Dalka Djibouti iney ka mid noqon doonto Dalalka AU-da u xusheen iney xubno ka noqdaan Golaha Amaanka iyo Nabada ee AU-da ilaa sanadka 2025-ta.

Kursigaan ayaa muhiim u ahaa Somalia si cod iyo Saameyn ugu yeelato Go’aanada Golahaan ee ku aadan mustaqbalka Ciidamada Amisom, waxeyna dib u dhacaan ka dhigan tahay fashilka Siyaasadeed Farmaajo oo dagaal siyaasadeed ku qaaday 5-tii sano ee u dambeysay Dalka Djibouti, Somalia waxaa u codeeyay dalalkaan hoosta ku xusan.

165700cookie-checkDjibouti Oo Ku Guuleysatay Xubinimada Golaha Amaanka Ee AU-da