Dagaalka Sudan oo ku Go’doomay Ajaaniib iyo Arday Ku Nooleyd Dalkaasi..

Africa News

Iyadoo Dagaalka Sudan ee u dhaxeeya Ciidamada Militeriga iyo kuwa Khaaska ah RSF, ay ilaa haatan ku geeriyoodeen 413-Qof 3500 ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen tan iyo markii uu qarxay dagaalka 15-kii April Caasimada Khartuom iyo hareeraheeda…

Wararka ayaa sheegay in Maalintii shalay lagu dilay Muwaadin u dhashay USA kaasoo Dowladda ka gaabsatay iney shaaciso magaciisa iyo sida loo dilay, balse Ehelkiisa ay ku wargeliyeen, xilli baaqyo badan oo loo jeediyay Sareeyayaasha ku dagaalamaaya Dalkaasi, iney Xabad joojin kooban dhaqan geliyaan si Ajaaniibta iyo Ardayda ku go’doonsan looga soo saaro, iyadoo baaqyadaasi ay dhegaha ka fureysteen.

Khubaro badan ayaa aaminsan in Dagaalkaan uu u dhaxeeyo si dadban Dalalka Russia iyo USA, iyadoo degaanada laga qodo Dahabka iyo Farsiinka Ciidamada Badda Russia ay tahay sababta ugu weyn oo uu dagaalka u qarxay, Waxaana howl-gab noqday inta badan Isbitaalada Caasimada kadib markii duqeyn aan loo meel dayin loo geestay, waxaana go’an korantada, Biyaha iyo Internet-ka.

252760cookie-checkDagaalka Sudan oo ku Go’doomay Ajaaniib iyo Arday Ku Nooleyd Dalkaasi..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com