Buundada Degmada Jalalaqsi oo Burburtay iyo Saameyn ka dhalatay 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Buundo muhiim ah isku socodka Gadiidka ka shaqeeya gudaha degmada ayaa burburtay, waxaana bur burka buundadaan durba saameyn ku yeeshay nolosha Dadka rayidka ah ee degan Xaafadaha kala duwan ee degmadaasi…

Degmada Jalalaqsi ayaa horey waxaa u go’doomiyay Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shabaabka kuwaasoo jaray waddooyinka soo gala, iyadoo la sheegay in Buundadaan oo muddo aan dayactir lagu sameynin, isla markaasna la sheegay in Maamulada Degmada, Gobolka, Dowlada Goboleedka iyo Federaalka ay ka gaabiyeen iney dayactiraan Buundaadan.

Waxeyna saameyn ku yeelatay nolosha isugu socodka shacabka ku dhaqan Degmadasi, iyadoo haatan baaq loo jeediyay Ganacsatada iyo Hey’adaha UN-ka iyo kuwa gargaarka iney dhaqaale ugu yaboohaan dayactirka Buundada oo xiligaan ku xiran nolosha Dadka iyo duunyada ku nool degmada Jalalaqsi.

190250cookie-checkBuundada Degmada Jalalaqsi oo Burburtay iyo Saameyn ka dhalatay