Nidaamka Maaliyadeed ee Shababka oo Baada ku dhisan ee heysta Sharciyada Dahsoon

Somalia news

Warbixin dheer oo ay soo diyaariyeen Hey’adda Global Initiative ayaa daaha ka rogay Nidaamka Maaliyadeed ee heysta Sharciyada dahsoon ee qoriga iyo cabsi gelinta ku dhisan ee ay degsadeen Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo ku hela macaash badan…

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sanad kasta ay kooxda Argagixisada Shababka u soo xarooto dakhli dhan 100-Millions US$, isla markaasna 24-millions US$ ay ku kharash gareyso Saanada ( Hubka iyo noocyada Rasaasta), inkastoo bilihii u dambeeyay ay soo food saartay culeysyo kaga imaanaya Dowladda Federaalka.

Dowladda ayaa qaaday dagaal wajiyo badan, iyagoo culeys ku saaray Shirkadaha, Xawaaladaha iyo Ganacsatada iney joojiyaan dhaqaalaha ay siiyaan kooxda Shababka, waxeyna uga digtay iney maalgeliyaan kooxdaan, taasoo intii badneyd dhaqaalahaasi lagu guuleystay in la xayiro, halka Accounti-yo badana la xiray.

Warbixintaan ayaa ku xusan in Shababka ay Gadiidka Xamuulka ku canshuuraan $4- ilaa $450 sidoo kale Raashinka waxey ka qaadaan ugu yaraan $2- ugu badnaan$950, Xoolaha nool waxey ku dalacaan $2- ilaa $10, Dhaqaalahaan waxaa qaada Xafiiska Canshuuraha una dhiganta Wasaarada Maaliyada.

Dhaqaalahaan (Baadaan) ayaa la rumeysan yahay iney xudun u tahay howlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada dagaal ee kooxda argagixisada, sida weerarada iyo qaraxyada qorsheysan oo ay ka geystaan gobolada iyo Caasimada, hadii la joojiyo bixinta baadaan waxaa dhici karta iney yaraadaan howlgaladooda.

230480cookie-checkNidaamka Maaliyadeed ee Shababka oo Baada ku dhisan ee heysta Sharciyada Dahsoon
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com