Maamulka Hargeysa Oo Codsi u Dirtay Safaarada USA ee Magaalada Mogadishu

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Maamulka Hargeysa ayeey kaga codsadeen Safaarada USA ee Mogadishu iney culeys ku saaraan Maamulka Puntland inuu joojiyaan Gurmadyada Beeleha ee ka soo baxaaya degaanada ay Maamulaan kuna wajehan Magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool..

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay ka codsanayaan in Puntland ay kala hadasho joojinta taageerada ciidamada, “Iyadoo xaalad adagi jirto, haddana weli wax jawaab ah lagama bixin codsiyadii dawladda Somaliland ee ku aaddanaa taageerada Maraykanka ee lagu qancin lahaa maamulka Puntland inay joojiyaan dagaalyahannada iyo hubka ka soo qulqulaya dhulkooda ee Laascaanood”.

Maamulka Saciid Dani ee Puntland ayaa marar badan iska diiday ka qeyb ahaanshaha dagaalka Laascaanood iyo in Xoogagooda huveysan tageen halkaasi, waxayna ugu baaqeen iney deg deg u joojiyaan Duqeynta ay ku burburinayaan Isbitaalada, Goobaha Cibaadada, Dugsiyada iyo Guryaha Dadka Rayidka ah.

249170cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Codsi u Dirtay Safaarada USA ee Magaalada Mogadishu