Yaa Fududeeyay in Gaadiidka Xamuulka Qaarkood Kooxda Argagixisada u Fasaxday iney Galaan Baydhabo..

Uncategorized

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxda Argagixisada Shababka oo fasaxday qaar ka mid ah Gaadiidka Xaamuulka oo ay ku xayireen degaanka Mooda-moode muddo Dhowr maalmood ah una diiday iney galaan magaalada Baydhabo, sida laga soo xigtay ilo wareedyo loo qaateen ah…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in tiro Odayaal dhaqmeed degaanka ka soo jeeda ay door muhiim ah ku lahaayeen sii deynta Gadiidka Xamuulka isla markaasna wada hadalo qarsoodi ah la fureen Kooxda Argagixisada iyagoo oggolaasho ka heystay Maamulka Konfur galbeed iyo Dowlada Federaalka.

Ma cadda in sii deynta ay khuseyso Gaadiidka Xamuulka ee ku xayiran muddo todobaad ah degaanka Ceel Bashiir iyo gebi ahaan la qaaday xayiraadii saarneyd Magaalada Baydhabo, iyadoo Maamulka Lafta gareen uu dhaqaale ku bixiyay xayiraad ka qaadida Gadiidka, sidoo kale waxaa weli shaki ku jira in Gadiidka xamuulka la qorsheeyay in laga soo raro Suuqa Bakaaraha.

Xiisadaan ayaa ka soo bilaabayay kadib markii Kooxda Shababka u yeereen Tiro Macallimiin Dugsiyada Waxbarashada iyo kuwa Qur’aanka kuwaasoo laga rabay Dhaqaake joogto ah iney bixiyaan hase yeeshee Saraakiisha Amaanka ee Maamulka ayaa Xabsiga dhigay Macallimiintaasi, waxeyna ku hanjabeen iney Cadaalada horgeynayaan.

267490cookie-checkYaa Fududeeyay in Gaadiidka Xamuulka Qaarkood Kooxda Argagixisada u Fasaxday iney Galaan Baydhabo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com