Warar Is-Khilaafsan ayaa Ka soo Baxaaya Magacaabista Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa xaalka (Malafka) magacaabista Musharaxa loo xulaayo inuu Wasiirka 1-aad ee Doekada Federaalka, iyadoo Warar qaarkood ay sheegayaan in Ilaa 3 Musharax ay iskugu soo hareen kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha Daarood…

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo dhowaan lagu wado inuu safarkiisa ugu horeeya ku tago Dalka Turkiga, uu shaacin doono Musharaxa uu u xushay inuu noqdo Wasiirka 1-aad, inkastoo ay dhici karto iney dib u dhacdo magacaabista, iska markaasna uu weydisto Gudoonka Baarlamaanka iney muddada u kordhiyaan.

Maamulada Puntland & Jubbaland ayaa la sheegay iney Madaxweynaha culeysyo ku saarayaan inuu qaato tiro Musharixiin ay u soo bandhigeen, inkastoo uusan aqbalin Madaxweynaha talo soo jeedintaasi, wuxuuna si cad ugu sheegay inuu diyaar u yahay inuu kala tashado Musharaxa noqonaaya Wasiirka 1-aad iyo Wasiirada darajadoodu tahay “A”.

Hogaanka Puntland ayaa la sheegay in Haddii ay lumiso Xilka Wasiirka 1-aad, waxaa u qorsheysan iney ku taageerto Jubbaland inuu ka yimaado Musharaxa gaar ahaan Beelaha Ogaadeen, sababtoo ah khatar kuma ahan nidaamka Federaalka iyo horumarka Bulshada Puntland.

194610cookie-checkWarar Is-Khilaafsan ayaa Ka soo Baxaaya Magacaabista Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka