Maamulka Hir-Shabelle Oo Xiray Meheradihii Ganacsiga Jowhar

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellada dhexe ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Saraakiisha Maamulka & Ganacsatada degaanka, talaabadaan ayas horseeday in maamulku xireen Dhamaan goobaha ganacsiga magaalada…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in amarka xiritaanka goobaha Ganacsiga uu sababay kadib markii tiro badan Oo Ganacsato ah looga yeeray magaalada Aadan Yabaal oo ay maamulaan kooxda Argagixisada Shababka, iyagoo lagu wargeliyay iney bixiyaan Canshuuro lagu soo rogay.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolada Konfurta iyo kuwo ayaa in muddo ah waxey dhex taal canshuur bixiyayaal u ahaayeen Dowlada & Kooxda Shababka, iyagoo ay u sii dheer tahay Hanjabaado dil, Xarig & Afduub xambaarsan oo dhinacyadaan ay kala kulmaan hadii ay bixin waayaan khidmada baada ah ee dhinacayaan ka qaataan waana ayaan darro iney Dowlada ka gaabiso iney difaacaan Ganacsatada.

171320cookie-checkMaamulka Hir-Shabelle Oo Xiray Meheradihii Ganacsiga Jowhar