Ma Dhabaa in Gudoonka Golaha Baarlamaanka ay Ku Xadgudbeen Xeerarka & Shuruucda Dalka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa fadeexaad ay ku kaceen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenkiisa 1-aad, kuwaasoo dhexda ka taagan falal wax isdaba-marin ah ayna ku jiraan Ciidan gaar ah oo amniga Golaha qaabilsanaa oo shaqada laga joojiyay, boosaskoodiina lagu bedeshay shaqaale rayid ah oo ay keensadeen…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Ciidanka gaarka ahaa ee ilaaliya xarunta Golaha Shacabka, loona yaqaano “VIP-PROTECTION POLICE” oo ka koobnaa 114-Askari oo Boliis ah, ayaa 54 ka mid ah shaqada laga eryay, sabab la’aan, iyadoo Ciidamadaan oo mid kasta uu qaadanayay $-200, waxaana lagu bedelay xubno aan ciidan aheyn ama Shaqo Amniga ka shaqeynin, taasoo muujinaysa fadeexad cusub iyo dayac amni Golaha ah.

Guddoonka Golaha Baarlamaanka ayaan awood u laheyn inuu shaqada ka joojiyo Askartan, sida ay ku doodeen Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka oo qoraal u diray Guddoonka, waxeyna ka dalbadeen iney jawaab laga bixiyo dhacdadaan.

Warbixintii Guddiga ayay Gudoonka Goluhu diideen in la horgeeyo Golaha Shacabka, taasoo ay ka muuqato cadeynta talaabadan ay 54 boos ku kala qeybsadeen- Aaden Maxamed Nuur iyo Sacdiya Salaad, waxeyna ku xadgudbeen Xeerarka iyo Shuruucda Dalka u degsan.

231010cookie-checkMa Dhabaa in Gudoonka Golaha Baarlamaanka ay Ku Xadgudbeen Xeerarka & Shuruucda Dalka