Dhul Gariir Ka Dhacay Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed

Somalia news

Dhul gariir Cabirkiisu yahay 5.2 (magnitude) ayaa ku dhacay Qaybo kamid ah Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed & Xeebaha Somalia gaar ahaan Degaanada Magaalo xeebeeyada dhaca Waqooyiga Dalka sida ay ku xog-warantay Hay’adda Mareykanka u qaabilsan la socodka dhul-gariirada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuusan Dhul gariirkaasi geysan Khasaare, balse wuxuu qalqal geliyay dhul-gariirkaan oo dhanka Badda ahaa isu gudubka Maraakiibta iyo doomaha kalluumeysiga sida ku cad warbixinnada horudhaca ah ee laga helay.

Warbixinnada qaar ayaa cabirka dhulka gariirka kala duway oo waxa ay gaarsiiyeen ilaa 5.5 Magnitude oo ah qiyaasta lagu ogaado inta uu gaarsiisan yahay, inkasta oo aanay jirin faah-faahino ay bixiyeen Dowladaha sida gaarka ah uu u saameeyay Dhul-gariirkaan dhanka Badda ah.

124540cookie-checkDhul Gariir Ka Dhacay Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed