Muuqaalo Kashifaaya Sida loo Fududeeyay Weerarkii Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo la xiriira muuqaalo laga duubay CCtv laga duubay daqiiqado ka hor inta uusan bilaaban Weerarka Kooxda argagisixada ka fulisay garoonka diyaaradaha, ayaa daaha ka rogay sidii loogu fududeeyay iney si fudud ku howl galaan Kooxda weerarka geystay…

Sida uu muujinaayo Muuqaalkaan Gaari nooca raaxada ah oo midabkiisu yahay Cadaan ayaa Dableyda gaarsiiyay goobta ay weerarka ku qaadeen, waxaana Dableydaasi goobta soo gaareen 10-daqiiqo ka hor inta aysan howlgalka fulin, iyadoo la dhinac dhigay Gaari Ciidamada Dowlada Federaalka iska leeyihiin.

Muuqaal kale ayaa muujinaaya in ku lebisan Tuutaha Ciidamada Dowlada uu ku wareejiyay Dableyda Hub kadib markii ay ka soo degeen Gaarigii ay la socdeen, si deg deg ah ayuu ku dhaqaaqay Gaariga Hubka keenay, iyadoo sidoo kale muuqaalada ay muujinayaan in Gaari kuwa Land cruiser ah oo kuwa aan xabbadu karin uu goobta soo istaagay.

Tuhunka Weerarka & Fududeynta:-

Laamaha Amaanka ee Dowladda Federaalka ayaan weli ka jawaabin xogta muuqaalkaan, iyadoo xiriiro la la sameeyay Saraakiisha Amaanka ay ka gaabsadeen iney tafaasiil ka bixiyaan sababta loogu sahlay Weerarka Kooxda Argagixisada.

178160cookie-checkMuuqaalo Kashifaaya Sida loo Fududeeyay Weerarkii Garoonka Diyaaradaha