Madaxweynaha Miyuu ka gar-naqi karaa Gabood-faladii Maamulkii Farmaajo

Somalia news

Madaxweynaha la doortay Mr.Xasan Sheekh oo dhowr jeer ka dhawaajiyay inuusan jiri doonin Argoosi siyaasadeed, hadaba waxaa la isweydiinayaa Hogaanka cusub miyuu ka gar-niqi karaa gabood faladii ku dhacay Muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaasoo qaarkood raadkooda uu qoyan yahay mise Qosol ayuu ku dhaafin doonaan Shacbiga Soomaaliyeed…

Mudadii 5-tii sano aheyd ee Maamulkii Farmaajo oo ku dhiiraday iney galaan gabood falo iyo dembiyo ilaa dil qorsheysan gaarsiisan la fuliya, ayna ugu horeeyaan Afduubkii Qalbi-Dhagax, Weerarkii Gurigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, gabood-faladii ka dhacay Magaalada Baydhabo, xariga Mukhtaar Roobow, Dhalinyaradii loo qaaday Eritrea, Dilalkii Ikraan Tahliil iyo Xildhibaanad Aamina Maxamd Cabdi.

Dhanka Curfiga Dowladnimada kan Diblomaasiyada ayaa sidoo kale soo gaaray dhaawacyo ay adag tahay in la dhayo, waxaa safka hore kaga jira Hey’adaha Sharci dejinta oo la gaarsiiyay garaafooyin lagana dhigay kuwo howl gab ah oo maamulka u adeega, sidoo kale kuwa Garsoorka iyo Amniga ayaa noqday kuwa u adeega Maamulkii fashilmay, qaarkoodna dembiyo waaweyn loo heysto.

Waxaan ka marneyn Hey’adaha UN-ka iyo Hogaanka Atmis, iyadoo Hey’adda UN-ka ay weli sugayaan garnaq ku aadan Eryidii Wakiilkii UN-ka ee Somalia, Halka Hogaanka Rayidka Atmis uu noqday mid ku dhex milmay arrimaha gudaha heer uu gaaray in Wakiilka AU-da ee Somalia uu faraha la galo siyaasada arrimaha gudaha.

Si kastba ha ahaatee, waxaa Maamulka cusub horyaala howlo adag oo u baahan cadaalad falid, iyadoo ay ku xirnaan doonto doonista siyaasadeed ee Hogaanka cusub iyo Xubnaha qeybta ka noqon doonaan Dowladda cusub kuwaasoo si gaar ah u khuseyn doonto furdaaninta iyo helista cadaalada Muwaadiniinta lagu xadgudbay.

189720cookie-checkMadaxweynaha Miyuu ka gar-naqi karaa Gabood-faladii Maamulkii Farmaajo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com