Ciidanka Mareykanka oo dib loogu soo celinayo Somalia

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in Maamulka Biden ee Washington uu weydiistay Saraakiisha Hogaamisa Ciidamada Africom iney warbixin ka keenaan Xaalada Amaan ee Dalka Somalia, Ciidanka Mareykanka ayaa laga saarey Somalia 14 bilood ka hor, waxaana la geeyay dalalka Jabuuti iyo Kenya, oo saldhigyo ku leeyihiin…

Taliyaha Ciidamada Africom Gen. Stephen Townsend oo dhawaan kormeeray Fariisimada Mareykanka ee Baliddoogle iyo Baar-Sanguuni oo duleedka Kismaayo, isagoo soo qiimeeyay xaaladda amaan & dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, kahor inta aan dib loogu soo celin Ciidanka Mareykanka, oo sanadkii tagey Trump dalka ka saarey.

Saraakiisha Wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ayaa u aragta khatarta Kooxda Shabaab mid sii xoogeysatay mudadii duqeymaha diyaaradaha maqnaayeen, iyadoo Safiirka Mareykanka uu sheegay in khatarta Kooxdan ay ka xoog badan tahay sidii hore, iyadoo lagu sababeeyay khilaafka u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka.

Somalia ayaa ku jirta xilli kala-guur ah, waxaana AMISOM lagu wadaa in dalka ka baxdo 2023, iyadoo March 31, oo maalmo ka dhiman laga bedelayo magaca, oo loo bixiyay ATMIS, oo ah howlgal ku meel-gaar ah, oo u diyaarinaya Ciidanka dowladda inay mas’uuliyada amniga la wareegaan.

175620cookie-checkCiidanka Mareykanka oo dib loogu soo celinayo Somalia