Khilaaf Xoogan & Loolan Awoodeed Oo Ka Taagan Dhismaha Safaarada Somalia Ee Rome (Italy)

Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa hareeyay Safaarada Somalia ee Magaalada Rome ee Dalka Italy Khilaaf xoogan, kadib markii Qoraal aan xaqiiqdoodu fadhin Laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Somalia Safiirkii Joogayna Mr.Cabdiraxman Sheekh Ciise laga xirtay Dhismaha Safaarada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Qoraal laga soo diyaariyay Villa Somalia la sheegay in lagu bedelay Danjiraha, laguna amray inuu soo gaaro Caasimada, Waxaa Qoraalka lagu xusay in loo magacaabay xiriiriyaha loogu magacaabay Axmed Cabdiraxman Sheekh oo horey u ahaa Xiriiriyaha Safaarada Somalia ee Lusaka (Zambia), wuxuuna Mogadishu ka duulay dhamaadkii bishii Maarso Sanadkaan.

Sida uu xaqiijiyay Danjire Ciise, Ninka sheeganaaya in loo magacaabay Safaarada & 2 kale ayaa xoog ku galay dhismaha Safaarada, kadibna waxey diideen iney Shaqaalaha soo galaan dhismaha, sidoo kale waxaa muran xoogan ka taagan yahay Dhismaha Xafiiska Qunsuliyada Somalia ee Rome Oo la sheegay in Haweeney ku heyb ah Farmaajo loo soo magacaabay.

Fiiro gaar ah:- Magacaabista Xilalka & Darajooyinka waa sii socdaan xitaa hadii Wareegto la soo saaray xiliga kala guurka lagu hakinaayo!!?.

181760cookie-checkKhilaaf Xoogan & Loolan Awoodeed Oo Ka Taagan Dhismaha Safaarada Somalia Ee Rome (Italy)