Dowladda Oo Amaro Adag ka soo Saartay Bangiyada & Xawaaladaha Dhaqaalaha loo dhex mariyo Shababka

Somalia news

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan la qaatay Ganacsatada iyo Maamulayaasha Bangiyada, wuxuuna kala hadlay sidii kooxaha Argagixisada gaar ahaan Shabaabka looga joojin lahaa dariiq kasta oo dhaqaale iyo Maaliyad ee ay ka helaan Ganacsatada gaar ahaan lacagaha dhexmariyo Bangiyada & Xawaaladaha…

Wuxuu Ganacsatada ku amray inay joojiyaan nooc kasta oo dhaqaale ama Maaliyaddeed oo kooxdu ay ka helaan Bangiyada, Waxaa uu carabka ku adkeeyey in ciddii fulin wayda awaamiirta Wasaaradda iyo Dawladda ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan sharciga isla-mar-ahaantaana ay si dhab ah u la xisaabtami doonaan ciddii fulin wayda.

Isagoo carabka ku adkeeyey in aanay marna suurto-gal ahayn oo aanay aqbalayn in dhaqaale maaliyaddeed oo laga qaaday Ganacsatada in lagu gumaado oo lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed, wuxuu sheegay iney dawlad ahaan ka go’an tahay joojinta dariiq kasta oo kooxda argagixisada ay lacago kaga hesho Ganacsatada.

217130cookie-checkDowladda Oo Amaro Adag ka soo Saartay Bangiyada & Xawaaladaha Dhaqaalaha loo dhex mariyo Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com