Maxey Yihiin Qodobada Hor-tebinta u Leh Hogaanka Villa Somalia Kana Ansixiyo Baarlamaanka..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Shanta Ajande oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ka doonaayo in Gudoonada Baarlaamanka u meel mariyaan, iyadoo Gacan-yaryaashiisa ay xaqiijiyeen inuu ku adkeysan doono Labo ja mid ah Ajandayaashani inuusan ka tanaasuli doonin, talabadaani oo kooxaha Mucaaradka ku tilmaameen kuwo halis ah..

Qodobada hor-tebinta u leh Madaxweynaha Ajandayaashiisa waxaa ka mid ah:-

-In Madaxweynaha lagu soo doorto Qof & Cod, inkastoo xiligaan aysan macquul aheyn bacdamaa Kooxaha argagixisada ay degaano ka heystaan Gobolada Dalka iyo Maamulada Gobolada Waqooyiga iyo kan Puntland oo diidan iney Degaanadooda hoos geeyaan Villa Somalia, marka waxaa cad inuu Xilka ku dheganaanaayo inta laga gaaraayo Wakhtigaasi.

-Inuu Magacaawdo Guddi Doorasho oo laba heer kala ah ( Federaal iyo Maamul-Goboleed), taasoo u sahleysa inuu go’aaminta Xubnaha ku soo baxaaya Doorashada.

-In Jagada Wasiirka 1-aad laga dhigo mid uu Madaxweynaha xilka ka xayuubin karo iyo Xildhibaano Taageersan oo Ajandayaashiisa u fuliya.

-In Dalku yeesho 3-Xisbi oo midka kale Talada Dalka haya lagu dhiso Hantida iyo awooda kuwa kalena ay noqdaan marqaati iyo magac u yaal ah.

-Hal Degaan Doorasho oo xiran laga dhigo oo Musharaxiinta iyo Kuraastaba uu Go’aamiyo Hogaamiyaha Xisbiga.

Maalinta Sabtiga ayaa lagu wadaa Xildhibaanada iyo Senatorada ay si wadajir ah cod u qaadaan wax ka bedelka Dastuurka gaar ahaan 4-Cutub oo ay hareeyeen dooda Qeybaha Mucaaradkuna ku tilmaameen in Villa Somalia ay go’aansatay iney si kali talisnimo ah ku abuuraan Nidaamka.

317670cookie-checkMaxey Yihiin Qodobada Hor-tebinta u Leh Hogaanka Villa Somalia Kana Ansixiyo Baarlamaanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com