Dagaalka Dekedaha Ee Badda Cas iyo Geeska Africa & Dareen La’aanta Soomaalida..

World

Waxaa Sanadihii ugu dambeeyay figta ugu sareysa kaga jira Siyaasada caalamiga ah (International politics) gaar ahaan Dalalka quwadaha waaweyn (China, Russia iyo USA, ku darsoo Wadamada awoodaha Gobolka ah is-biday (Regional Powers), kuwaasoo Danahooda ay salka ku hayaan Dagaalka Dekedaha & dareen la’aanta Siyaasiyiinta Gadisleyda ah iyo Shacbiga Soomaaliyeed…

Bartamihii gu’gii 2018 oo la baahiyay Film bud-dhig u ahaa” Howlgalka badda cas” (Operation in the Red Sea) ee Ciidamada Badda ee China, Filimkaan oo si waafiya uga waramaya hanka iyo rabitaanka Dowladda China ka qabaan iney ka soo muuqdaan fagarayaasha Siyaasadaha ee Aduunka weliba inuu ka qaataan door hogaamineed Ganacsiga iyo Awooda Ciidamada Badda.

Kala feejignaanta Dalalka Awooda leh ayaa waxay horseeday iney isu adeegsadaan Dalalka yar-yar oo midba mid la safan yahay taasoo abuurtey aragtida halista badan ee dagaalka wadamada yar yar (Proxy war), Wadamada geeska Afrikana kama duwaneyn Dalalka aan kor ku soo xusnay ee Beriga Yurub (East Europe), Asia, Bariga Dhexe iyo Badda cas, waxeyna xudun u ahayeen dagaalka Dekedaha ee fidsiga Istiraatijayadeed iyo Danaha ku daahsoon saaxiibtinimada ee quwadihii loolamayey.

Loolanka Dekedaha ee Dalalka awooda badan ayaa hafinaya Gobolka geeska Africa, Sababta ugu weyn ee loolanka ayaa ah maalgalinta loogu sameynayo Dekadaha, Ciidamada badda ayaa Waajibaadkoodu yahay iney ilaliyaan Shixnadaha Ganacsiga ee Badda ee China ee u dhoofiyo Wadamada Europe, Khaliijka iyo Afrika iyo sidoo kale saliida ugu badan China soo dhoofsado oo marta marinka mashquulka badan ee baabal mandam (Bab el-Mandeb Strait).

USA, UEA, Sacuudiga iyo Israel ayaa la xaqiijiyay iney isla meel dhigeen Qorshe ah in Canal 2-aad laga hirgeliyo Dhulka Saxaraha ee Falasatin ee Israel heysato oo Dekedna looga dhigo Magaalada Gaza hadii uu hirgalo Barakicinta lagu hayo Gaza, inkastoo Dalalkaan ay cabsi ka qabaan Awooda Ciidamada Russia, Iran iyo Kooxaha ay maalgeliso ee Xisbullahi iyo Xuutiyiinta oo xiligaan awood u leh iney hor istaagaan Mashruucaasi.

Gaza Bariga dhexe, Dagaalka ka dhacaaya waxa kiciyay waa Gaaska Xeebaha Gaza, waxeyna si buuxda u taabaneysa Dagaalka Badda Cas oo loo diyaar-garoobay, Geeska Afrika waa Gobol u nugul ineysan xasaraduhu istaagin, ku darsoo Soomaalidii waa is qalanaysaa ileyn ma jiraan Madaxda/Siyaasiyiin Aragti fog leh oo dareemaya Culeyska ay arrintaan Xambaarsan tahay, iyagoo intii badneyd Dekadeheeda Dalka ku wareejiyeen DP World oo adeege u ah USA.

287200cookie-checkDagaalka Dekedaha Ee Badda Cas iyo Geeska Africa & Dareen La’aanta Soomaalida..