Go’aanada Khaldan Ee Farmaajo Oo Dalka Dib Ugu Celiyay

Somalia news

Xiligaan kala guurka ee Somalia, ayaa Waxaa aad u kordhay Go’aanada khaldan iyo Qoraalo aan sharciyad ku fadhin ee wiifto ah ee laga soo saaro Villa Somalia, iyadoo uu dalku caghaha la galay Marxalad aad xasaasi u ah taaso suurta galineysa in Markale qarxo dagaalo sokeeye markii laga fiiriyo qodobada hoos ku xusan…

  1. Mr.Farmaajo oo go’aanadiisa u arka inuu kasareeyo shuruucda dalka.
  2. Barlamaanka JFS oo gabay Mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta shuruucda Dalka, una xuubsiibtay qancinta & Raaligalinta Villa Somalia.

Waxaa hardan siyaasiyadeed oo kulul uu kadhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada, Horjooge aan laga daba hadlin ee Farmaajo & Xisbiyada Siyaasada oo Ku Soo koobay qoraalo ay soo saaraan iney xoogooda saareen iney ku guuleestay doorashada 2021.

Han-Dhaqanka Mr.Farmaajo iyo Gacansiinta uu ka helay Labada Nin ee Mareykanka ah (Danjiraha USA iyo Wakiilka UN-ka), ayaa sii mutjes ay inuu ku dhiirado inuu ku tunto shuruucda Dalka, waxaana marqaati ma doonto ah sida umuquuniyo Xisbiyada Mucaaradka, Madaxda Dowlad goboledyada & qofkastoo kasoo horjeeda hanaankiisa hogaamineed wuxuu u adeegsatay  baabintooda Ciidamada Qalabka Sida   , Hantida Qaranka & Awooda Xafiiska Madaxweynaha oo aheyd ilaalinta shuruucda dalka taas badalkeedana si dadban u laalay laguna dhaqmo kaliya go’aanadiisa guracan.

Shacbiga Soomaaliyeed waxaa u furan laba wado taaso ah in ay ukacaan dalkooda si xoogana usoo faragaliyaan siyaasada dalka & iney diidaan siyaasiga beenta badan inuu ku adeegto. Shacbigu waa in aysan qabiil ku tageerin Hogaamiye jilicsan, oo ku jira boon dhaqaale, waayo masiirka dalka.

42930cookie-checkGo’aanada Khaldan Ee Farmaajo Oo Dalka Dib Ugu Celiyay