Dil ka Dhacay Xaflad Aroos Duleedka Balanbale ee Gobalka Galgaduud..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday agagaarka Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, kadib markii uu muran dhex maray Laba Wiil oo goobta ku sugnaa xilligaas ka socotay xaflad aroos ah..

Wararka ayaa sheegay in dhacdadaan ayaa ka dhalatay dagaal dhex-maray laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku sugnaa xaflada, kuwaasoo murmay, kadibna uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, goob jooge ayaa sheegay in mid kamid ah wiilasha ay murmeen kadibna uu midkoo doontay qoray, sidaasina ku dilay wiilkii kale oo ay ku wada dagaalameen arooska.

Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay degaan u dhow Degmada Balanbale, waxaana goobta gaaray Xoogaga Amaanka ee Degaanka Balanbale kuwaasoo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedeysanaha oo haatan ku xiran saldhigga degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

255120cookie-checkDil ka Dhacay Xaflad Aroos Duleedka Balanbale ee Gobalka Galgaduud..