Dilalka Qorsheysan Oo Maalinle Ka Noqday Magaalada Mogadishu

Somalia news

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Cabdi Xasan Weheliye oo ku magac dheeraa (Cabdi Aakhiro), waxaana lagu dilay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo Dilalka qorsheysan ay noqdeen kuwo maalinle ah…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumka ayaa xilligii la dilayey taagnaa albaabka hore ee hoygiisa, waxaana dableydii dishay tiradooda lagu sheegay 2-qof, iyagoo rasaasta kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa la rumeysan yahay in sanadihii la soo dhaafay ay Muqdisho gelisay kooxo dilaa ah oo tiro badan kuwaasoo si qarsoon ah u fuliya dilalka, Waxeyna sheegeen iney qaab waliba ay ku ugaarsan doonaan xubnaha Qeybaha kala duwan ee Shacbiga, Masuuliyiinta DF, sida laga soo xigtay ilo loo qaateen ah.

Magaalada Muqdisho sida muuqata dilalka qorsheysan ayaa aad u kordhay, waxaana iminka ay gaartay heer guryaha la isugu soo gallo, taasoo walaaceeda leh, iyadoo falalkaan dhacaaya ay ka gaabiyeen Hay’adihii Amniga loo wakiishay iney bulshada amnigeeda ka sugaan.

164910cookie-checkDilalka Qorsheysan Oo Maalinle Ka Noqday Magaalada Mogadishu