Ma Dhabaa In Ergo Ka Socota Dalka Israel ay La Kulmeen Madaxweynaha Somalia

Somalia news

Wargeys ka soo baxa Dalka Israel oo lagu magacaabo ”the Times of Israel” ayaa shalay daabacday in Madaxweynaha Somalia uu la kulmay intii uu ku sugnaa Dalka UEA Ergo ka socota Dalkaasi kana wada hadleen suurtogalnimada iney xiriir wada yeeshaan mustaqbalka dhow…

Faalada Wargeyska ayaa lagu xusay in Dowladda Somalia ay qorsheyneyso in Baarlamanka Dalka loo soo bandhigo lagalana tashto qorshe lagu abuuriyo xiriir diblomaasiyaded oo dhaxmaro Somalia iyo Israel.

https://www.timesofisrael.com/

Dhanka Kale Qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu beeniyay maqaal kale oo uu Wargaysku qoray nuqulkiisii soo baxay 9 July ku sheegay in Wasiirka Difaaca Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ka qayb-galay Shirka oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Israa’iil ee Faransiiska bishii May.

Ilo wareedyo ku Dowladda Somalia ayaa ka gaabsaday iney xaqiijiyaan wararka ay baahisay Wargeyka Israel times, iyadoo oo uu Wargeysku sheegay in Dowlada Somalia ay sahmineyso sidii ay xiriir diblomaasiyadeed ula yeelan laheyd Dalka Israel.

199840cookie-checkMa Dhabaa In Ergo Ka Socota Dalka Israel ay La Kulmeen Madaxweynaha Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com