Wiil Dhalinyaro ah Oo Lagu Dilay Magaalada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in shalay Duhurkii lagu rasaaseeyay Wiil Dhalinyaro kaasoo la sheegay inuu dhacay Bartamaha magaalada, Marxuumka ayaa heyb ahaan loo dilay…

Wararka qaar ay sheegayaan in heyb dhow uu la ahaa Madaxwaynaha Puntland Deni, Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Toogashada wiilkaan ay ka Dambeeyeen Ciidamada Hubaysan ee Mucaaradka ee diidanaa furista dastuurka Puntland.

Ma jirto faahfaahin iyo macluumaad intaas kabadan oo uu helay Warsidahaan, inkastoo macluumaad hordhac ah ay tilmaamayaan inuu la xiriiro dagaalkii ka dhacay Magaalada ee khasaaraha badan dhaliyay.

262270cookie-checkWiil Dhalinyaro ah Oo Lagu Dilay Magaalada Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com