Boliiska Benaadir Oo Qabtay Gaari Ilo yar oo Meyd ah laga Dhex helay & Eedeysanaha Waday Gaariga..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa digniino ay Muwaadiniin u direen Ciidamada Amaanka, gaar ahaan kuwa Boliiska, kaasoo sahlay in gacanta lagu soo dhigo Nin gaari nooca raaxad ah ku waday ilmo yar oo mayd ah, kaasoo lasoo dhigay agagaarka isbitaalka Digfer ee degmada Hodan…

Qoraal kasoo baxay Taliska Boliiska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Cidamada ay gurmad ku tageen goobta, kadib wargelin ay ka heleen dadka deegaanka, Boliiska ayaa shaaca ka qaaday in marka ay goobta tageen ay la kulmeen ilmaha yar oo Mayd ah, isla-markaana gaariga lagu dhex xiray.

“6/5/2023 abaare 16:45 Galabnimo, ayaa muwaadiniin ku sugan Degmada Hodan gaar ahaan waaxda Octobar, agaagarka Isbilaatka Rayib Racep Ordogan (ex-digfeer) la soo wadaageen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir, la soo wadaagay gaari baakin ku jira oo ilmo yar korlooga xiray, halkaas oo gurmad ay ciidanku ku tageen ayaa goobta kula kulmay ilmaha yar oo meyd ah kuna dhex jira gaariga” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo reer Muqdisho ay ku dareemeen degnaan iyo amni, Si kastaba, dhacdooyinka la xiriira dhibaatooyinka loo gaysto carruurta, sida afduubka iyo dilka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay kusoo badanayay Degmooyinka Caasimada.

254820cookie-checkBoliiska Benaadir Oo Qabtay Gaari Ilo yar oo Meyd ah laga Dhex helay & Eedeysanaha Waday Gaariga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com