Sumada Xoolaha & Sida ay Beelaha Soomaaliyeed u Isticmaalaan..

Somalia news

Qarniyaal badan ayeey Beelaha Soomaaliyeed isticmaalaysay, welina u wadaan iney sumadda saaraan xoolaha, Sumaddaasi ma aha mid u gaar ah Geela oo kaliya, laakin waxaa sidoo kale la suntaa Lo’da, Ariga, Idaha, degaanada qaarkood, Dameeraha iyo Baqalada..

Khabiir Soomaaliyeed oo cilmi baaris ku sameeyay dhaqankaan soo jireenka ah ayaa xusay in dhowr loo sunto Xoolaha, “mid waxaa la yiraahdaa Sumad bireed waxaana Neefka laga looga dhigaa dhegaha iyadoo la adeegsanayo bir, waxaana summadahaasi dhegaha lagu dhigo ka mid ah Fur, Falleer, iyo Sarin”.

Noocyada sumadaha ay Soomaalidu isticmaasho

Waxaa la sheegaa in Summadaha hadda jira ay ka mid yihiin isku tallaabta iyo Laanqayrta oo laga isticmaalo DDS (Ethiopia) Isla sumadaasi waxaa kalo laga istcimaalaa Gobollada dhexe ee Somalia, Waxaa kaloo jirta summad la yiraahdo Kiwaawe, waxayna u egtahay sida Kiwaawaha beeraha loo isticmaalo. Sidoo kale Nuun, Maqas, Alifyo, Isqoor, Deel, Deel alif leh, sidoo kale waxaa ka mid ah Hangool, Miim, jeedal, baakoor iyo Idamo.

Mararka qaar waxaa dhacda in neef lama sumadood la saaro. “Xaaladaas waxay timaadaa marka neefku uu qofka sumadda labaad saartay ka soo galo deegaan kale, si uu u caddeeyo inuu isagu leeyahay oo ay deegaan kale ka soo gashay, Haddii sumad lagu arko xoolo la kala dhacay waa la isku qabsan karaa inta badan.

Marka laga soo tago Xoolaha waxaa kaloo sumadda lagu dhigaa, sida la sheegay, Geedaha waaweyn boqollaalka sano jira kuwaasoo tilmaamaya xudduudda qabaa’ilka, Wuxuu kaloo sheegay in lagu dhigo raararka ceelasha,

296550cookie-checkSumada Xoolaha & Sida ay Beelaha Soomaaliyeed u Isticmaalaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com