Sidee looga Hortagaa Kala Qeybinta USA & UK ku Hayaan Midnimada Dalka

Somalia news

Warbixino hordhaca ah oo welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in Dib u dhisidda Dowladnimada Somalia oo Dalalka USA & UK ay garwadeen ka yihiin waa kuwo wax badan la wadaagta habkii xukunkii dadbanaa (indirect rule) waayo Hay’adaha Siyaasadda ee Federaalka waxaa yegleelidooda (unkiddooda) udub-dhexaad u ahaa Oday dhaqameedyada….

Habkaan wuxuu wax badan la wadaagaa Boqortooyooyinka Carbeed ay gumeystayaashii camcameen, Nidaamkaan dowladnimadeennu ku salaysan tahay wuxuu dhaawac weyn gaarsiiyay dareenka in Soomaali dhulka, kheyraadka iyo kaabayaasha qaranka wadaagto.

Muxuu Galbeedku colaadda intaas le’eg ugu hayaa dal burburay oo ka hor 1991 ku tiirsanaa dalalka Galbeedka dhanka deeqaha iyo horumarinta? Galbeedku wuxuu Somalia ka dhex arkay fursad ah in dalku noqon karo sheybaar lagu fuliyo tijaabooyin siyaasadeed si qowmiyadaha Afrika ismaandhoofkooda loo sii soofeeyo, iyo in lagu fidiyo siyaasado hoos u rida iskalsoonida ummadeed, in si dadban loolla dagaallamo dib u kabashada.

Siyaasadda kala qeybinta Soomaalida waxaa garbo u ah Siyaasiyiin Danley ah oo dhaca dhaqaalaha ku mashquulsan iyo Ganacsato la dagaallansan dib u soo celinta adeegyadii dowladdu bixin jirtey, Marka dowlad Soomaaliyeed lagu qanciyo inay ka aamusto hindise Senatka ku doonayo inuu Berbera saldhig ka samaysto isagoo siyaasadda Somalia Mid Ah (One Somalia Policy) dhegaha ugu ridaya Dowladda Federaalka halis noocee ah ayaa soo foodsaari karta qarannimada Dalka?

Muxuu Senatka Maraykanku u curiyay hindise ku saabsan dekedda Berbera isagoo u arka Somaliland maamul ay isku wax ku dhaataan (shared values)? Miyay dhici kartaa in Maraykanku Mombassa si gaar ah saldhig uga furto uu curiyo isaga oo aan la tashan dowladda Kenya?, Maxaa Dowladda Federaalka uga aamusan tahay mise Heshiis ayeey kula yihiin.

204810cookie-checkSidee looga Hortagaa Kala Qeybinta USA & UK ku Hayaan Midnimada Dalka

1 thought on “Sidee looga Hortagaa Kala Qeybinta USA & UK ku Hayaan Midnimada Dalka

  1. Waa dhibaato In Siyaasiyiinta xiligaan ay macaash doon noqdeen oo dhibka kooxaha argagixisada la mid noqdaan

Comments are closed.