Maxaa Dowlada Ka Hortaagan Xakameynta Hantida la Dhacay ee lagu Maalin-Geliyaano Dhismaha Guryaha Kenya..

Africa News Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan syaa muujineysa iney aad u kordheen sanadihii ugu dambeeyay hantida lagu Maalgelinaayo Dhismayaasha Guryaha ee Soomaalida Dibadaha iyo kuwa Dalka ku nool oo ay hormuud u yihiin Siyaasiyiinta xilalka Sare ee Dowlada soo qabta kuwaasoo dhaca Hantida Qaranka…

Talabadaan ayaa farta lagu goday iney Cawaaqib xumada ka dhalan karto musuq-maasuqa baahsan ee Dalka la degay, kaasoo gaaray meel ka baxsan xuduudaheeda, iyadoo faa’iidada sida xun loo helay ay hadda keentay kororka dhaca hantida iyo sumcad xumida horseedi karta Haraambeyda ka socota magaalada Nairobi ee Kenya.

Khubarada ayaa rumeysan in Lacagaha wasakhda ah ee ka imaanaya Mas’uuliyinta iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee musuq-maasuqa ah ay dhibaato ku yihiin Suuqa Hantida ma-guurtada ah, iyadoo welwel badan laga muujiyay halka ay ka soo jeedaan Dhaqaalahaan la dhacay.

Waxaa sii dhiiri gelisay Ololahaan Maamulka taagta daran ee Dalka oo ku caan baxay Musuqa iyo Qaraabo kiilka, iyadoo Somalia ay xiligaan noqotay dal u nugul oo ay ka faa’ideystaan jilayaasha aan damiirka lahayn si ay uga u dhacaan hantida Dadweynaha iyo Deeqaha caalamiga ah, taasoo wiiqaysa dadaallada horumarineed ee ay ku jirto, saboolnimadana ay uga sii dareyso.

Madaxda Kenya ayaa wajahaya dagaal culus oo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa xuduudaha isaga gudba. Iyagoo aan wax wada shaqayn ah ka helin dhigooda Somalia, Mas’uuliyiinta Kenya ayaa looga fadhiyaa iney wax ka qabtaan hawsha lagu burburinayo shabakadaha lacagaha dhaqa, inkastoo caasimadda Kenya ay weli tahay Magaalada ka faa’iideysata hab-dhaqankaan dhaqaalaha laga soo xado Somalia waxaana dhici karta iney hoos u dhigto sumcada Dalka Kenya hadii aan talaabo lagu xakameynaayo la qaadin.

270430cookie-checkMaxaa Dowlada Ka Hortaagan Xakameynta Hantida la Dhacay ee lagu Maalin-Geliyaano Dhismaha Guryaha Kenya..