Maxaa keenay In Hogaanka PST-Boosaaso Ay Ilaalo Hubeysan u Dirto Gaalkacyo

Somalia news

Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdi Siciid Muuse inuu masuul ka yahay iska hor imaadkii xalay fiidkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dhaawacay taliye kuxigeenkii Boliiska gobolka Mudug iyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad, isla markaasna uu ku geeriyooday Askari ka tirsan PST-ta Boosaaso…

Askarigaan oo magaciisa lagu sheegay Saciid Ismaaciil Saalax, iyadoo uu dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen Askar kale oo labada dhinac ah, Xiisadani ayaa soo shaac baxday kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibeda uu Safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa la sheegay in Garabka Gadoodsan ee PST-ta Boosaaso uu si qarsoodi ah u weydistay in Ilaalo u soo diraan magaalada Gaalkacyo iyadoo aan la ogeysiin Maamulka Gaalkacyo, waxaana la sheegay inuu ku howlanaa fulinta qorshe ka dhan ah Madaxweynaha Puntland.

Su’aalaha iswaydiinta mudan??

PSF yaa ufasaxay iney ilaaliso Wasiir ka socda Dowlada Federaalka.

Maamulka xoogaga PSF miyaysan ogayn in Wasiirkaani uu carqalad ku hayay Xasiloonida iyo Amaanka Gobolka?

-Hogaanka PSF ma waxay qayb ka yihiin qorshaha guracan ee Farmaajo & Fahad, Saraakisha PSF ma waxay ka xishoon waayeen Gaalkacyo nabadeeda xasaasiga ah?

PSF yaa xukuma oo ay ka amar qaadataa, PSF ma Ciidan calooshood ushaqaystayaal ah baa??

5-Qof oo dhimasho iyo dhaawac ah oo shaqaaqadii shalay maqaribkii ay galaafatay, Hogaanka PSF waxaa looga fadhiyaa iney caddeyso doorkeeda khalkhal gelinta Amaanka magaalada Gaalkacyo.

184380cookie-checkMaxaa keenay In Hogaanka PST-Boosaaso Ay Ilaalo Hubeysan u Dirto Gaalkacyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com