Ethiopia Oo Aan Duruus Ka Baran Burburka Dowladnimada Somalia

Africa News

Waxaa la yiraahdaa sida ugu fudud oo waaya-arag loo noqdo waa in wax laga barto waaya-aragnimada qof kale. Lix sano ka hor Ethiopia waxay isku suuq geysay inay Maraykanka kala shaqayso la dagaalanka kooxo xagjir ah oo Somalia ku sugan, Waa mashruuc dalal dhowr ah magaca AMISOM kaga macaasheen..

Kooxda TPLF waxay 2010-kii mustaqbalkeeda siyaasadeed ku xirtay siyaasadda Somalia: waxay u arkaysay in isbeddel siyaasadeed aan looga baahnayn Somalia xilli bannaanbaxyo ka socdeen Ethiopia oo ay wargeysyada Galbeedku ku tilmaamayeen dal ay u taliso qowmiyad 6% ka ah tirada guud ee Quwmiyadaha Ethiopia.

Isbeddelkii 2018kii ka dhacay Ethiopia wuxuu Maamulka cusub siiyay fursad uu xididdada ugu siibo habka Federaalka Ethiopia, Gaarista ujeeddadaas waxaa ilaa hadda hortaagan ku dhowaad 7 milyan oo Tigree ah, muddo 27 sano talada isku koobayay, u diyaargaroobayay dagaal sokeeye oo dalkaasi ka dhici doona marka isbeddel siyaasadeed uu dhaco.

Mr.Abiy Axmed, ayaa wuxuu doortay inuu burburiyo TPLF oo 2020kii doorasho ka qabatay gobolka Tigray, Abiy, oo kaashanaya xagjirka Fano oo ku dhaarta sarreynta Amxaarada, ayaa banneeyay xasuuqa dad rayid ah, Maamulka Addis abeba waxay TPLF ku tilmaantay urur argagixiso. Ka hor 2018kii TPLF ayaa ururro siyaasadeed sida OLF, ONLF iyo Ginbot 7 u tiqiin ururro argagixiso.

Mr.Abiy ayaa soo saaray Qoraal uu ku caddeynaayo inuu Jiida hore Ee furumaha dagaalada iska xaadirin doono, Ma cadda sida ay u hirgeli doonto dhexdhexaadinta uu Midowga Afrika wado. Waxaa cad in Itoobiya aysan wax ka baran burburkii dowladnimada Somalia, suurtogalna ma aha inay ku qaraabato kala shaqaynta Galbeedka la dagaallanka argagixisada meelo Somalia ka mid ah ku sugan.

152210cookie-checkEthiopia Oo Aan Duruus Ka Baran Burburka Dowladnimada Somalia