Ganacsade Ethiopian ah Oo Laga Afduubtay Nairobi

Africa News

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in maalintii jimcihii la soo dhaafaya Dabley hubeysan ay ka afduubteen dharaar cad xaafada ka tirsan Magaalada, Ganacsade Ethiopian u dhashay iyagoo la sheegay iney ku qaateen Gaari..

Wararka ayaa sheegay in Ganacsadaha la afduubtay magaciisa lagu sheegay Samson Teklemicheal, kana soo jeeda Qowmiyada Tigray, Afduubka ayaa ka dhacay Xaafada Kileleshwa, waxaana afduubtay laba Nin Oo hubeysan kuwaasoo xoog uga soo saaray Gaarigiisa (Black Bentley ah), kuwaasoo la aaday goob aan la aqoon, Xaaska Ganacsadaha ayaa Dowladda Iyo Xoogaga Amaanka Kenya ka codsatay iney wax ka qabtaan Afduubka ninkeeda.

Ganacsadaha an ayaa la sheegay inuu dhowr sano ah iibin jiray Haamaha Gas-ka (Gas Cylinders), Afduubkiisa ayaa ku soo aaday xili dagaal lagu hoobtay uu ka socdo Waqooyiga Ethiopia, iyadoo dagaalkaasi ay saameyn weyn ku yeesheen Dadka dalkaasi iyo Dowladaha USA & China kuwaasoo la kala safan dhinacyada is haya.

152290cookie-checkGanacsade Ethiopian ah Oo Laga Afduubtay Nairobi