Fahad Oo Walaashiis Xil U Magacaabay

Somalia news

Kulankii Golaha Wasiirada ee sida sharciga baal marsan loogu magacaabay sideeda xubnood oo kamid noqonaaya 9-ka xubnood ee maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, (Somali Petrolium Agency) sida ay shaacisay xukuumaddu ku meel gaarka ah….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xog-warrantay, iyadoo loo faahfaahiyay in Mr.Ibraahim Cali Xuseen oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay la-taliye ka ahaa wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa Gudoomiye looga dhigay xubnaha loo magacaabay Maamulka Hey’adda Batroolka, Halka ku xigeen looga dhigay Haweeney la dhalatay Adeege Fahad Yasin.

Guddoomiye Kuxigeenka Hey’adda ayaa Loo Magacaabay Mrs.Caa’isha Cusmaan Axmed, Baaritaano hordhaca ah ayaa muujinaaya in Gabadhaan magaca Caa’isha uu yahay midka ay ku joogto dalka Mareykanka, oo ay hadda degen tahay, balse magaceeda rasmiga ah uu yahay Xalimo-Sacdiyo Saleebaan Xaaji Daahir oo waxaa laba jeer marna ilmo habreed yihiin Agaasimaha NISA Fahad Yasin, marna ay yihiin ilmo adeer oo waxaa wada dhashay labadooda hooyo & labadooda aabe.

Xalimo Sacdiyo Saleebaan Xaaji Daahir, waxaa dhalay hooyo Faadumo Saciid, halka Fahad Yasin ay dhashay hooyo Xaliimo Saciid, waxeyna wakiil uga tahay Adeege Fahad Hey’adda Batroolka.

Dhanka kale, Waxaa la sheegay in Shirkad Shidaal ay wada Dhisteen Adeege Fahad Yasin, Wasiirka Batroolka Mr.Cabdirashiid iyo Ibraahim Cali Xuseen, waxeyna laga diiwaan geliyay Dalka Qatar, Hey’adda Magaceedu Waa Amaanka Petroleum.

51410cookie-checkFahad Oo Walaashiis Xil U Magacaabay