Lanqeyrta Cas Oo Hirgelisay Lamabar Talefoon Oo Gurmad Ah

Somalia news

Hey’adda Lanqeyrta Cas Faraceeda Somalia (SRCS) ayaa markii ugu horeysay hirgelisay Lamabr Talefoon oo adeega caafimaad ah, kaasoo ay gaadiidka Ambalaasyada si deg deg ah u gaarayaan markii la xiriiro, si ay u fidiyaan gargaar caafimaad oo deg deg ah…

AdeegaanTalefoon oo lambarkiisu yahay 446 ayaa noqonaaya mid ugu horeeyay ee noociisa ah, inkastoo ay horey u jireen Gurmad Caafimaad o ay bixin jireen Amaana Ambalast, adeegaan ayaa loo diyaariyay Shaqaale caafimaad oo aqoon u leh iney gurmad caafimaad ee ugu horeeya u fidiyaan Bukaanada dhaawacyada iyo kuwa xanuunsan inta laga geynaayo Istibaalada,

Gurmadkaan ayaa lacag la’aan ah, ujeedada ka dambeysa ayaa ah sidii loo badbaadin lahaa Bukaanada dhaawacyada qaba iyo kuwa xanuunsan, Lambarkaan taleefoon ayaa u sahli doona Muwaadiniinta iney si deg deg ah u soo gaaraan kooxaha gurmadka ee Lanqeyrta cas ee Somalia (SRCS) sida uu sheegay Madaxa qeybta Mr.Nuur Cabdikariim Cali.

60430cookie-checkLanqeyrta Cas Oo Hirgelisay Lamabar Talefoon Oo Gurmad Ah