Maxaa ka Dhalan kara Meherka Qaaliga ah ee Xiliyadaan Lamaanyaasha Soomaalida ee Is-Calmaday..

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya waahayaan dambe ay Guurka Soomaalida ku soo kordheen Weydiisashada Meher Qaali ah, taasoo dhalisay hadal-heyn badan, iyadoo Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ay ka digeen in talaabadani ay horseedi karo burbur deg deg ah oo Guurkaasi ku yimaada…

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Sheekh Ibraahim oo ah Sheekha diiday inuu lamaane mehriyo, ayaa Warbaahinta BBC-da la hadlay u sheegay in meherka ay Gabadhu dalbatay uu ahaa mid qaali ah, sidaas darteedna uu u diiday codsiga ay qoysku soo gudbiyeen, wuxuuna intaasi raaciyay in Waalidka Qoyska ay dalbadeen 100g oo Dahab ah una dhiganta 10,000 US$.

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in meherka qaaliga ah aysan ammaanin diinta Islaamka, isla markaana lagu talinayo in la fududeeyo, “Guurka oo la qaaliyeeyo waxaa ka dhalaneysa fisqi badan, in dhalinyaro badan ay guursan waayaan oo guurka laga tago, arrintaas ma aha wax sax ah”.

Wuxuu sheegay iney dhici karto in meherka la badiyo, balse ay jirto wax ay dadku sameystaan oo aan diinta ma hor imaaneynin sida geel iyo lo’ in la isku mehriyo, “Annaga dahab iyo doollar iyo waxaas ma aqaan, waxaan rabnaa dhaqankeenna aan naqaanno oo aan diinta ka hor imaaneynin, si gabdho badan ay sey u helaan rag badan ay xaasas badan u helaan,”

271950cookie-checkMaxaa ka Dhalan kara Meherka Qaaliga ah ee Xiliyadaan Lamaanyaasha Soomaalida ee Is-Calmaday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com