Wabiga Jubba Oo Ku Fatahay Dhul/beereed

Health

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Fatahaad khasaare geystay oo Wabiga Jubba Ka sameeyay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kadib markii uu biyo badan Wabiga keenay, wuxuuna saameeyay xaafadaha magaalada iyo dhul beereedyadii ku yaallay webiga jiinkiisa…

ilo wareedyo ku sugan degmada ayaa Diinah.com u sheegay in Fatahaaddaan uu baabi’iyay 220 beerood oo ku yaallay webiga Jiinkiisa, wuxuu kaloo sababay barakac xoogan kadib markii ay daadadkii ka dhashay fatahaadda ay saameeyeen in ka badan 500 oo qoys.

Xaaladda magaalada Baardheere ayaa saaka ah mid ka duwan sidii hore, waxaana qoysaskii ay fatahaadda saameeysay oo naftooda iyo wixii ay gacantooda qaadi karto kala soo cararay guryahooda ay dhoobanyihiin qeybo kamid ah xaafadaha magaalada ayadoo aysan jirin wax gurmad ah oo uga yimid dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya .

Magaalada Baardheere oo ay markii horeba go’doomiyeen roobabkii ka da’ay qeybo katirsan gobollada dalka ayaa dhinaca kale lagu soo waramayaa in maciishaddii ay cirka isku shareertay.

30750cookie-checkWabiga Jubba Oo Ku Fatahay Dhul/beereed