Farmaajo Oo Shaqada Ka Joojiyay Sarkaalad

Somalia news

Ilo wareedyo laga helay Xubno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia ayaa tilmaamay in amarka Madaxweynaha xilka looga qaaday Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan Cabdullaahi Xasan kaddib markii ay isku dhaceen La-taliyaha Amniga Madaxweyne Mr.Cabdi Saciid Muuse…..

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa shaqo joojin ku sameeyay, balse waxaa talaabadaasi ka biyo diiday Agaasimaha, iyadoo markii danbe uu amray Mr.Farmaajo in xilka laga qaado Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan.

ilo wareedyada, waxaa lagu wadaa in Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga loo magacaabo Mukhtaar Qooraanse oo ay isku beel yihiin Cabdi Saciid Muuse, Waana sababta keentay in Maanta Taliyihii Ciidanka Lugta oo ka soo jeeda Puntland loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda, halka Taliyaha Ciidanka Badda oo ay isku beel yihiin Jihaan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta.

Sababaha shaqada looga eryey ayaa lagu sheegey in waayahan dambe uu jiray is qab qabsi ka dhaxeeyey jihaan iyo la-taliyaha arimaha amniga ee Mr.Farmaajo Cabdisaciid Muuse, arimaha la isku qabtay oo dhaqaale ahaa ayaa waxaa ay sababtay in Jihaan shaqada laga qaado, loona isticmaalo awood iyo dan gaar ah.

43740cookie-checkFarmaajo Oo Shaqada Ka Joojiyay Sarkaalad