Fariimo Hanjabaad Ah Oo Loo Diray Gudoomiyaha Barlamaanka

Somalia news

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu usoo hanjabay mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka, kadib Ansixintii Matalaada Muqdisho…

Mursal ayaa sheegay in madaxweynahan, oo uusan magacaabin, uu usoo diray farriin uu ku dalbanayo in lagu joojiyo shaqada Golaha Shacabka, ama uusan imaan doonin kulanka uu Iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo ay ka muuqatay carro ayaa sheegay in fariintan ka timid mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada loo soo marsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay dhaqan aad u xun.

“Muddooyinkii dambe waxaa soo baxay dad raadinaya wax badsi, kawaran nin madaxweyne State ah oo dalbanayo in la joojiyo kulamada Golaha, haddii la joojin waayana uusan imaan doonin kulanka wadatashiga ee Madaxweynaha ku baaqay, soo dhaqan xumo ma ahan ilaah ayaa idinku dhaarshee” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay kulankii Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ma uusan shaacin maga madaxweynaha fariinta soo diray ama maamulka uu hogaamiyo balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in qofkaasi uu yahay Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta Gareen sida Diinah.comay Xogta ku heshay.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in maamulka Puntland ay xoog iyo xoolaba geliyeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen matalaadda gobalka Banaadir iyagoo sheegay in si toos ah ugu lug lahaa madaxweyne Deni.

44540cookie-checkFariimo Hanjabaad Ah Oo Loo Diray Gudoomiyaha Barlamaanka