Amni-darrada Caasimada Oo sii Kordheysa Xiligaan Kala Guurka ah

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in guud ahaan falalka amaan darro ee ka dhaca magaalada Mogadishu ay inta badan yihiin kuwo salka ku haya baahida dhaqaale yarida jirta, inkastoo aysan ka marneyn kooxo loo adeegsado khalkhal gelinta Amaanka si culeys loogu saaro Dowladda & Hey’adaha Amaanka..

Warbixintaan ayaa welwel ka muujisay in Falkan dilka ah ay qeyb ka yihiin amni darrada baaheysa ee ka jirta caasimada, taas oo ilaa iyo iminka aan waxba laga qaban, Waxeyna kooxahaan ka faa’ideysanayaan xiligaan kala guurka ah oo Hogaanada Hey’adaha Amaanka qaarkood sugaaya in Xilalka laga xayuubin doono bacdamaa ay la soo shaqeeyeen Maamulkii hore.

Kooxo ku hubeysan bistoolado, ayaa shalay galab degmada Deyniile ku dilay, nin ka mid ahaa maamulka degmada, Marxuumka oo dhallinyarada ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay, Dalmar Xuseen Gacal, wuxuuna la shaqeynayey maamulka degmada Dayniile.

205810cookie-checkAmni-darrada Caasimada Oo sii Kordheysa Xiligaan Kala Guurka ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com