Maxaa Loo Beegsadaa Isgoyska Mashquulka badan ee (KM-5) Soobe,  

Somalia news
  • 14,October 2017 Sabti -Zoope -1.
  • 29,October 2022 Sabti -Zoope -2.

Isgoyska KM-5 ayaa lagu tiriyaa midka ugu mashquulka badan dhanka saxmada Gaadiidka iyo Dadka ee Caasimada, wuxuuna halbowle u yahay wadooyinka degmooyinka Wadajir, Hodan iyo Wadada Afgooye, waana sababtaasi iney kooxda Argagixisadu la beegsadaan Qaraxyo waaweyn oo qorsheysan dhaliyana khasaare balaaran oo sababa, Caro, Cabsi iyo Argagax ku dhaca Shacbiga…

Sidoo kale waxaa ka ag dhow tiro dhismayaal Wasaaradeed, goobo Waxbarasho, tiro Isbitaalada ugu muhiimsan Caasimada, Hotelo iyo Goobo Ganacsi oo aad u badan, 30-kii sano ee u dambeysayna waxa uu ka mid ahaa Isgoys-yada ugu mashquulka badan Caasimadda, balse waxaad moodaa in waayadaan dambe looga sii daray, kadib markii wax ka bedel lagu sameeyay habka ay gaadiidku u isticmaalaan.

Ku darsoo Hey’adaha Amaanka iyo Maamulka Gobolka ayaa Dhagxaan ku xiray Isgoeyska iyo xeyndaabka ku dhow, kuwaasoo si qaldan loo dhigay, iyadoo mudan tahay in laguna soo celiyo Isgoyska sidii uu markii hore ahaan jiray, ama ay u isticmaali jireen Gaadiidka, Marka xiga, waa in wax laga bedelo marshabiyeediga dhexe oo ay Turkidu sida qaldan u dhistay, kadibna waa in wadooyin doceedyada soo gala wadada weyn loo sameeyo marino ku toosan oo ay Gaadiidku si fudud uga soo gali karaan ugana bixi karaan.

Sidoo kale waa in Gadiidka iyo Mootooyinka aan loo oggolaan iney joogsadaan Wadadaasi oo loo qorsheeyo goobo ka fog oo Parking ah, iyadoo laga faa’iideysanaayo laba qarax ee dhacay waana in Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka la yimaadaan qorshe cad oo lagu nidaaminaayo Isbaarooyinka dadka lagu dhibaayo isla markaasna loo fududeynaayo kooxaha argagixisada iney si dhaqso ah ku gaaraan bartilmaameedkooda.

Fiiro Gaar ah:- Dowladu waa iney kafaalo qaadaa bixinta Khidmadaha duugista (Godka iyo karfanta) iyo kharashaadka kale ee meydadka kooxaha argagixisadu ku dilaan sida wadarta ah.

222090cookie-checkMaxaa Loo Beegsadaa Isgoyska Mashquulka badan ee (KM-5) Soobe,