Villa Somalia Oo Kulan ugu yeertay Siyaasiyiin & Mas’uuliyiin hore Yaase ka Baaqsaday…

Somalia news

Waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Hotel Decale ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Mogadishu Shir lagu casuumay Madaxdii hore talada haysa iyo Mas’uuliyiin kale si ay uga soo qeyb galaan kulan wadatashi ah, kaasoo socon doona muddo laba maalmood ah..

Kulankaan ayaa lagu wadaa iney ka soo qaybgalaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaareyaashii hore iyo Gudoomiyeyaashii hore ee Baarlamanka Federaalka, Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda Dalka, iyadoo Villa Somalia ay dhegeysan doonaan talada Madaxdii hore ee ku aadan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka, kadib markii uu fashilmay Go’aanadii Golaha wadatashiga ee Muddo kordhinta, kuwa Laba Xisbi iyo Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa.

Dhinaca kale, waxaa soo shaac baxaaya in Madaxdii hore ee ka soo jeeda Gobolka Gefo iyo Degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanbale ay ka cudurdaarteen iney ka qeyb galaan Shirka Villa Somalia ugu baaqday sababo la xiriira Xiisadaha ka taagan Gobolka Gedo iyo caburinta lagu hayo Bulshada degaanadaasi.

265500cookie-checkVilla Somalia Oo Kulan ugu yeertay Siyaasiyiin & Mas’uuliyiin hore Yaase ka Baaqsaday…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com